No Image Available

IRRIADAHA FARXADDAA

 Author: Ibrahim Waberi  Category: Non-Fiction  Published: December 4, 2014  Tags: Self-help |
 Description:

Aadanahu markasta waxa uu raadiyaa waqtigiisa ugu badanna ku qaataa wax kastoo u keeni kara farxad, wuxuuna ka dheeraadaa wax kasta oo ku sababi kara in uu waayo farxadda uu helay amma uu heystay.

Imisa ayaad aragtay amma maqashay qof walaalkaa/walaashaa ah oo ka cabanaya arrimo badan, sida isaga oo xannuunsan, dhibaato amma buuq kaga furan yihiin gurigooda amma gurigiisa, isaga oo shaqo la’aan ka cabanaya, isaga oo adduunyo raadinaya, isaga oo bulshada ka xidh xidhmay amma aan dhex galayn. Imisa qof ayaad aragtay oo aan dareensanayn amma aan dhaadanayn haba yaraate macnaha ay noloshu leedahay, isla markaanna raadinaya guul, farxad, xasillooni iyo in ay nastaan oo ay nolosha ku raaxeystaan.


 Back
Soo Dhawoow walal, maxaan kaa caawinaa?