No Image Available

MAAREE NOLOSHAADA

 Author: Ibrahim Waberi  Category: Non-Fiction  Published: July 22, 2021  Tags: Self-help |  Buy Here
 Description:

Jidhka waxa ugu daran caloosha oo dhinnaata, caqligana waxa ugu daran fikir la’aan, qalbigana iimaanka oo ku yaraada, cumriga qofka oo idil-na waxa ugu daran firaaqada badan (waqti madhan) ama waqtiga oo dhayal iyo cidla kaga dhammaada, adduunkana uu ka tago qof isaga oo aan cumrigiisii kaga faa’iideysan mid adduun iyo mid aakhiro toona. Buuggani waa mid kaa caawin doona sidii aad cumriga uga faa’iideyn lahayd, cumarigaas oo ka kooban waqti, iyo sidii aad u maareyn lahayd guud ahaan noloshaada. Qof inuu maareeyo noloshiisa kana faa’iideysto cimrigiisa, kuma xidhnaa da’da uu yahay iyo nolosha heerka uu kaga jiro. Xaalad kasta iyo inta naftu inagu jirto waxa aynu haysannaa fursad aynu ku maareynno nolosheenna, ugana faa’iideysanno waqtigeenna; taas oo ku xidhan kolba inta ay tahay awooddeennu.


 Back
Soo Dhawoow walal, maxaan kaa caawinaa?