HOGGAAMINTA HAGAAGSAN

 Fahanka Aasaasiyaadka Hoggaaminta

Ugu horreyn haddii hoggaamiye la yidhaa taa macnaheedu maaha in laga hadlayo mid siyaadda uun ku kooban. Hoggaamin waxa u baahan Qof, Qoys, Qaran, Urur, iyo Shirkad, intaba. Hoggaamintu waa mawduuc balaadhan, baaxadda mawduuca waxa aad ka ogaanaysaa, inta baadhitaan ee laga sameeyay iyo inta buug ee laga qoray. Nasiib darro se afkeenna hooyo aadbuu ugu yarhay. Qormadan kooban waxa aan ku yara iftiimin mawduucaas  aadka u balaadhan oo ay adagtahay in maqaal intan leeg lagu cabbiro;  anigoo dul istaagi doona uun shantan Su’aalood:

  •  Waa maxay hoggaamin ; Waa kuma se hoggaamiye?
  • Hoggaaminta miyaa loo dhashaa , misa waa la baran karaa?
  • Goormaa la odhan karaa qofkaasi waa Hoggaamiye?
  • Maxaa ka mid ah Astaamaha iyo Xirfadaha Hoggaamiyaha hagaagsan?
  • Shaqada hoggaamiyahu maxay tahay?

Inta aynaan sheegin qeexista hoggaaminta, ciwaanka maqaalku waa hoggaaminta hagaagsan. Hoggaamintu waxa ay kala tahay: mid xun, oo ah in hoggaamiye xun, uu dad meel xun u hoggaamiyo. Waxa kale oo jirta hoggaamin liidata, oo ah hoggaamiye isagu wanaagsan, laakiin karti ahaan liita, taasina ku kalifto inuu si liidata wax u hoggaamiyo. Waxa kale oo dhici karta, hoggaamiye wanaagsan oo karti hoggaamineed leh, laakiin jooga meel aanuu aqoon iyo waayo-aragnimo u lahayn, taasina keento inuu si liidata wax u hoggaamiyo. Haddaba, marka la isla helo hoggaamiye wanaagsan oo daacad ah, karti iyo aqoon leh, joogana meel uu waayo-aragnimo u leeyahay, ama uu wax ka qaban karo, ayaa waxa la odhan karaa hoggaaminta hagaagsan. Si kale, dhammaan dadku waa hoggaamiyayaal, qofba in ay taagtiisu tahayba, middan hadda aynu se wax ka qoraynaa waa ta hagaagsan.

  •  Waa maxay hoggaamin iyo hoggaamiye?

Macnaha hoggaamiye ma jiro hal qeexid oo la isla meel dhigay adduunka maanta. Waxa se jira qeexaallo aad u tira badan; iyadoon laga tagayn ujeedka guud inuu isku mid yahay. Waxaanse hadda kaga kaaftoomaynaa qeexidda aniga ahaan, aan is leeyahay waa midda ugu habboon; taasoo ah,  “Waa awoodda lagu hago dad la hoggaaminayo, iyadoo loo dhaqaajinayo  dhinaca himmilooyin gaar ah oo loo dajiyay, loona qorsheeyay”. Halkan waxa laga fahmayaa afar arrimood oo muhiim u ah hoggaaminta, kuwaas oo kala ah:

  • Hage, oo ah qofkii wax hoggaaminayay
  • La hagayaal, oo ah dadkii la hoggaaminayay
  • Himilo ama hiraal, oo ah wixii la qorsheeyay, iyo meeshii la higsanyay.
  • Awooddii iyo kartidii dadka lagu hagayay, looguna hagayay dhanka hiraalka.

Taa macnaheedu waxa weeyaan, afartan tiir ama dhinac, haddii mid ka mid ah meesha ka maqanyahay, laguma tilmaami karo hoggaamin. Taasi waa fahanka hoggaaminta, oo ka kooban afartaa tiir. Halka hoggaamiyuhu yahay mid  ka mid ah afartaas tiir, oo macnaheedu yahay, haddii saddexda kale midi maqanyahay isna laguma tilmaami karo hoggaamiye.

  • Shaqada hoggaamiyuhu maxay tahay?

Shaqada hoggaamiyuhu wuxuunbaa laga dhex fahmayaa afartii tiir ee aynu hoggaaminta ku qeexnay. Sidaa daraaddeed, shaqada ugu muhiimsan ee hoggaamiye hayaa waa in uu dajiyo, oo qorsheeyo hadafyo iyo hiraal cad oo ku habboon goortaa iyo goobtaa uu joogo, ka dibna  cidda uu hoggaaminaayo uu u jiheeyo hiraalkaa, kana shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa. Sidoo kale, shaqada hoggaamiyaha si aynu u fahanno, waa in aynu kala saarno farqiga u dhaxeeya shaqada maamulaha iyo midda hoggaamiyaha.

  • Maamuluhu hawl iyo shaqo socotay ayuu sideedaa ku ilaaliyaa, kuna sii joogteeyaa,
  • Hoggaamiyuhu shaqo ama hawl socotay ayuu wax ka beddel ku sameeyaa, ama horumar la dareemi karo u hor seedaa; markaa kaliya isagu ma ilaaliyo uun, oo halkeeda wax kuma hayo, ee wuu socodsiiyaa.
  • Maamuluhu hawsha iyo shaqaalaha ayuu qaabilsanyahay
  • Hoggaamiyuhu cilaaqada ayuu dhisaa, midda gudaha iyo midda bannaanka labadaba.
  • Maamuluhu hadafkii la qorsheeyay ayuu ka shaqeeyaa xaqiijintiisa
  • Hoggaamiyuhu hadafka ayuu dajiyaa, isla markaanna qorsheeyaa.
  • Hoggaaminta miyaa loo dhashaa , misa waa la baran karaa?

Inkastoo aragti ahaan lagu kala duwanyahay hoggaaminta in loo dhasho iyo in la baran karo; Sida xoogga badan se waa in labaduba ay jiraan, iyo mid saddexaad:

  1. In  loo dhasho,
  2. In la kasbado ama la baran karo
  3. Waxa kaloo jirta in dadka qaar, xataa haddii la baro, ay adagtahay in ay noqdaan hoggaamiyayaal hagaagsan.

Nabi Muxammed ‘csw’ – waxa u yimid saxaabi la odhan jiray  “Abu Dar Al-Qafaari”   Allaah raali ha ka noqdee. Wuxu ku yidhi “wax aan hogaamiyo ii dhiib”.  Nabigu ‘csw’ wuxu ugu jawaabay “Adigu xataa laba qof haddii aad tihiin ha noqon ka wax hoggaamiya” Sidii ayayna u dhacday, oo waxa la sheegay in saxaabigaasi uu geeriyooday isagoo wax mansab  ah aan qaban. Halka saxaabadii kale qaarkood illaa yaraantoodii ay xilal qabanaayeen, iyagoo iskugu jiray kuwa magaalooyin maamulay, kuwo islaamkoo dhan hoggaamiyay, iyo kuwo ciidanka looga dambeyn jiray.

Waxa jirta qaaciido la yidhaa Qaanso-jaliseed “Bell Curve” Taasoo sheegaysa  boqollayda hoggaamiya-nimada, oo u dhigan sida tan  “2% (boqolkiiba  laba) dadka waa ay u dhashaan hoggaamiya-nimada; 2% ( boqolkiiba laba) uma dhashaan, lamana bari karo oo ma kasban karaan, haddii ay isku dayaan in ay noqdaan hoggaamiye.  Inta u dhaxaysa labadaa tiro  waa ay kasban karaan ama baran karaan hoggaamiya-nimada. Hoggaamiyayaasha kuwooda ugu wanaagsan, inta badan waa kuwa u dhashay hoggaamiya-nimada, kuna darsaday in ay bartaan.  Taas macnaheedu maaha qof aan u dhalan hoggaamiye wanaagsan ma noqon karo, waxayse ku xidhantahay sida uu u barto iyo dadaalka uu  ku bixiyo. Sidoo kale, macnaheedu maaha, midka u dhashay isagoon kobcin oo aan barasho ku darin ayuu hal mar si kusoo boodda ah, meel kasta iyo cid kasta u hoggaamin karaa.

Farqiga kaliya ee u dhaxeeya, waxa weeye; tusaale, qofka u dhashay haddii uu ku daro dadaalka kobcinta awooddiisa hoggaamineed, goobtii ku habboonaydna uu joogo, wuxu darajo dheeraanayaa, midka aan u dhalan, laakiin loo tabobbaray, ee isna jooga meeshii ku habboonayd. Markaa dhalashadu kuguma filnaa, oo mar walba laba shuruudood oo kale ayaa la socda. Waana sababta dadka qaar u qabaan aragtida ah, cid u dhalataa ma jirto, ee waa barasho uun.

Goormaa la odhan karaa qofkaasi waa hoggaamiye iyo ma ahaa?

Waxa is weydiin mudan, suurta gal ma tahay qof aan xil qaban in lagu tilmaamo hoggaamiye? Goormaa se la odhan karaa qofkaasi waa hoggaamiye hagaagsan ama ma ahaa? Waxa dhici karta in aad la kulanto qof leh qaar ka mid ah tilmaamaha hoggaamiyaha. Odhan maysid qofkaasi waa hoggaamiye hagaagsan, waxaadse odhan kartaa qofkaasi wuxu leeyahay waxyaabo ka mid ah calaamadaha hoggaamiyaha hagaagsan.  Laakiin qofka aqoonta hoggaamiye leh waa suurta gal isagu inuu isku maleeyo in uu yahay hoggaamiye; sababtoo ah, waa arrin la xidhiidha jiritaankiisii oo dhan, laga soo bilaabo carruurnimadiisii illaa hadda ayuu ka qiyaas qaadan karaa. Ka dib wuxu isku eegayaa shan arrimood:

  1.  Aqoontuu u leeyahay hoggaaminta,
  2.  Waxa uu ka arkay hoggaamiyayaasha kale,
  3.  Khibrad hoggaamineed haddii uu leeyahay, haba yaraatee.
  4. Astaamaha iyo xirfadaha hoggaamineed ee uu leeyahay.
  5. Ikhlaaska, runta  iyo  ammaanada guud ahaan uu la noolyahay.

Intaas oo arrimood marka uu isku eego, ayuu ogaan karaa inuu hoggaamiye noqon karo iyo in kale. Markaas waxa qofkaa la gudboon, sidii nabi Yuusuf (CS) haddii aad aragto meel aad wax ka qaban karto, cid kaaga mudanna aanay kuu muuqan, in aad codsan karto jagadaas. Adigu se waxa aad qiimeyn kartaa waa waxa ay indhahaaga iyo dhagahaagu waqtigaa la joogo ay qaban karaan oo kaliya. Waxa suurta gal ah, in aanaad wali arag isagoo wax hoggaaminaya, sidoo kale  niyaddiisa iyo daacadnimadiisa ma ogid. Hal dhacdo ama xaalado gaar ahna, kuma wada qiimeyn kartid, oo waxa suurta gal ah, qof inuu meel ku fashilmo hoggaamineeda, meel kalana guul ka soo hooyo, marka ay noqoto dhanka kartida iyo aqoonta.

Hoggaamiye cid kastaa waa ay noqon kartaa. Laakiin, ta aynu u jeedno oo ah hoggaamiye hagaagsan, laba shardi ayuu qofku ku mutaysanayaa in la yidhaa waa hoggaamiye hagaagsan:

  1. Inuu leeyahay astaamaha  muhiimka u ah hoggaamiye hagaagsan. Suurta gal maaha dhammaan, laakiin ugu yaraan kuwa aasaaska ah, iyo
  2.  In la tijaabiyay. Tan dambe ayaana u dhaw inaad ku kala ogaan karto hoggaamiyaha dhabta ah iyo ka kale.

Waxa aynu nolosha usoo joognay wax badan, dad leh muuqaal hoggaamiye, inbadanna la tuhmayay, oo markii ay jagada yimaaddeen, lagu hungoobay. Sidoo kale, waxa aynu nolosha ku haynaa, dad aan wax badan la saadaalin in ay yihiin hoggaamiye-yaal hagaagsan, markii ay xil qabteenna si fiican wax u hoggaamiyay. Taasi waxa ay ku tusaysaa, hoggaamiyuhu inuu isagu suuqa is keeno, dadkana uu is baro. Markaas ayuunbuu dhammeystiray inuu qaato magacaas iyo in kale.

  • Maxaa ka mid ah astaamaha iyo Xirfadaha hoggaamiyaha hagaagsan? 

Astaamaha hoggaamiye lagu garto waa kuwo aad u tira badan. Tusaale ahaan buugga uu qoray Siciid Shire, ee Hoggaamiye Isbeddel Horseeda, kaligii waxa ku jira ku dhawaad 40 tilmaamood oo hoggaamiyuhu leeyahay. Meel kuma wada xusnaa, ee siyaabo kala duwan ayay buugga ugu dhigan yihiin. Waxa sidoo kale marar badan  is-dhex gala xirfadaha ay tahay inuu hoggaamiye hagaagsani yeesho, iyo astaamaha. Si guud, xirfadaha hoggaamiyuhu dhammaan waxa ay ka mid yihiin astaamaha, laakiin astaan oodhan ma ahaa xirfad. Sababtoo ah, astaamaha waxa jira kuwo loo dhasho, sida dabeecadaha wanaagsan ee dulqaadku ka mid yahay, shaqsiyadda qofka iyo akhlaaqiyaad kale. Halka xirfaduhu kaaga baahanayaan inta badan kasbasho ama barasho.

Inkastoo aynu nidhi waa ay badanyihiin astaamaha hoggaamiye hagaagsan yeelan karo, aynu soo qaadanno shan ka mid ah, astaamahaas:

  • Fagaare ka-hadalka
  • Hal-abuurka
  • Hiraalka
  • Daacadnimada
  • Dhiirranaanta

Waxa jira astaamo laga maarmi karo iyo kuwa la’aantood ay adagatahay inuu  qof noqdo hoggaamiye hagaagsan, kuna guleysto hawshii loo igmaday iyo qalbiyada dadka. Si kale, astaamaha hagaagsan ee hoggaamiyaha guuleystaa leeyahay, waxa ay noqonayaan laba qaybood, oo kala ah:

  • Kuwo aasaasiya iyo
  • kuwa kaabayaal ah.

Tusaale,  waxa ka mid ah kuwa kaabayaasha ah:

Fagaare ka-hadalka: hoggaamiyuhu waxa muhiim ah inuu yaqaan sida dadka loola hadlo. Farriimahana waa inuu si wax ku ool ah dadka u gaadhsiin karaa. Waxa se hubaal ah, dhinaca siyaasadda, waxa aynu maanta ku haynaa dad badan oo khudbadahoodu aad u cajiib ahaayeen, laakiin hoggaamintooda kale ay liidatay. Sababtoo ah,  khudbadaha quruxda badan waa loo soo diyaarin karaa hoggaamiyaha; sidaa daraaddeed, waa arrin muhiim ah hadalka iyo aftahamadu, laakiin dadku waxa ay ka jecelyihiin waxa la qabto ee muuqda. Soomaaliduna waxa ay tidhaa ‘meel hoo rabta , hadal wax kama taro’ si kale haddii aynu u dhigno –  meel hawl rabta, hadal wax kama taro. Hadal yar iyo hawl badan, ayaa ah halku dhigga dadka waxtarka badan.

Hal abuurka: astaanta labaad waa hal abuurka. Waxa dhici karta hoggaamiyuhu in aanuu lahayn hal-abuur badan. Waana qodob kaabaya hoggaamiya-nimada, oo haddii la helo ka dhigaysa mid heer sare ah. Haddii se aanu lahayn hoggaamiyuhu, waa inuu  ka dhex helaa kooxda ay wada shaqeenayaan dad hal-abuur leh. Hoggaamiyaha hagaagsan wuxu yaqaan sida looga faa’iideysto hibooyinka iyo hal-abuurka shaqaalaha ama kooxda ay wada shaqeyntu ka dhaxeyso. Si taasi u suurta gashana, marka horaba wuxu isku xeeraa hoggaamiyayaal kale, si waxa isaga ka maqan kuwa kale looga helo, ee sooma xusho uun shaqaale kaliyaata.

Hiraalka: waxa ka mid ah astaamaha aasaasiga ah, hiraalka. Hiraalku waa waxyaabaha hadda adduunyada casriga ah la ogaaday in ay tahay sirta koobaad ee sababta guusha hoggaamiye hagaagsan. Horana waxa aynu usoo sheegnay, hiraalku inuu ka mid yahay afartii tiir ee hoggaamintaba qeexaysay. Inkastoo hiraalku yahay midda ugu mudan, laakiin nasiib wanaag waa la baran karaa waana la kobcin karaa. Qofku ma soo dhasho isagoo hiraal leh. Laakiin marka uu barto ka dib ayuu kolba meesha iyo waqtiga uu joogo dajiyaa mid ku habboon. Isagoo isagu marka u horreysa naftiisa u sameeya yoolal iyo himmilooyin uu ku gaadho, hiraallo dhaw iyo kuwo fog, intaba.

Daacadnimada: daacadnimadu waa astaanta labaad ee aasaaska ah,  ee aynu soo qaadan karno. Waa waxa ugu horreeya ee qof lagu doorto inta aan la ogaan sifooyinkiisa kale. Daacadnimadu waa mid ka mid ah qiyamka wanaagsan, ee ay ka midka yihiin runta iyo ammaanadu. Waxa kala jira daacadnimo ah in aad cid kasta aaminto, iyo daacadnimo ah in aad adigu aamin tahay, cid kasta se aad iska hubiso. Ta aynu u dan leennahay waa tan dambe.

Dhiirranaan: waa astaan kale oo ka mid ah kuwa aasaaska ah. Sababtoo ah, hoggaamiyaha aan dhiirrani lahayn, ama ku dhac, isbeddel ma horseedi karo, mashaakiisha qaarna ma xallin karo. Sababtoo ah, labadaa arrimoodba go’aanno geesinimo leh ayay marar badan kaaga baahan karaan. Horana waxa aynu usoo sheegnay, shaqo ahaan maamulaha iyo hoggaamiyahu waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin, oo ay ka mid ahaayeen; horumarinta, iyo isbeddel horseedka. Astaantan dhiirranida waxa ku xidhan shuruud, taasoo ah xikmad iyo naxariis, ku salaysan cilmi iyo caqli. Waxa aad sawirrataa hoggaamiye dhiirran, oo bilaa xikmad iyo naxariis ah. Wuxuunbaa kuu soo bixi axmaq. Haa dhiirranidu waa astaan aasaas ah, la’aanteedna ayna waxba kala socon, laakiin waa marka lagu ladho xikmad iyo naxariis.

Guntii iyo gabagabadii, ma jiro dunida hoggaamiye soo maray oo la odhan karo waa hoggaamiye dhan walba hagaagsan,  marka laga reebo nabi Muxammed (csw). U fiirso, hoggaamiyayaasha dunida maanta, kuwooda inta badan lagu tilmaamo in ay yihiin hoggaamiyayaal cajiib ah, waxa suurta gal ah, qaarkood in ay kaliya hal-abuur uun lahaayeen, kuwa kale siyaasad ahaan uun ay saameyn yeesheen, kuwa kale shirkad guulaysatay ay aasaaseen, sidaana loogu caleemo saaray in ay yihiin hoggaamiyayaal hagaagsan. Xaqiiqdu se waxa ay tahay, in badankoodu wax yar oo ka mida nolosha uun ay saameyn ku yeesheen, qaarkoodna haddii noloshooda shaqsiga ah la sii gudo galo, wax badan oo hoggaaminta hagaagsan liddi ku ah loogu tagi karo. Sidaa daraaddeed, hoggaamiyaha kaliya ee dhan walba nolosha looga dayan karaa, waa nabi Muxammed (csw) waana sababta Allaah (swt) inooga yeelay tusaalaha ugu wanaagsan, ee uu inoo faray in aynu ku dayanno, lama odhan wax gaara kaga dayda, ee waa nolosha oo dhan. Si dheeli-tiran ama shaamil ah. Lama soo koobi karo; haddiise wax ka mid ah aynu qodobbeyno, waxa ka mid ah:

  1. Hoggaamin nafeed,naftiisa ugu horreyn siduu u hoggaamiyay, nabi-nimo ka hor iyo ka dibba.
  2. Mid qoys , guurka iyo siduu u ahaa midka ugu wanaagsan ehelkiisa.
  3. Mid barbaarineed, ubad iyo arday labadaba sida uu u barbaariyay.
  4. Mid ciidan, marka ay dagaal tahay, siduu u hoggaamin jiray.
  5. Umad dhan siduu u hoggaamiyay.
  6. Mid mu’asaseed, oo ah masaajidka iyo madarasadaha laga aflaxay.
  7. Mid diin iyo cibaado, inuu hormood u yahay cibaadada.
  8. Mid raad ( legacy) oo ah wuxu ka tagay, oo ilaa qiyaamaha jiraya.
  9. Hoggaaminta qaababkeeda (styles), iyo xaaladaheeda (Situations) siduu u adeegsan jiray nooc kasta goorta ku habboon.
  10.  Kartida iyo karaamada, oo koobsata astaamaha wanaagsan, kuwa aasaasiya iyo kuwo kaabayaal ah labadaba, inuu ahaa mid ku sifoobay.

Dabcan, hoggaaminta hagaagsan waa taas; laakiin su’aashu waxa ay  tahay, sidee ayaynu u higsan karnaa middaas? Waxa aan  is leeyahay, waa marka yoolkeennu halkaa ahaado.Tusaale, marka ay qoyskaaga joogto is weydii, hoggaaminta hagaagsan ee qoyska iyo waxa ay tahay. Ka dib, wax ka baro, oo akhri aqoonta laga diyaariyay, si aad u higsato middaa nabiga (sc). Haddii aad masuul tahay, oo aad cid hoggaamiso, iyana wax ka baadh, si gaar ah aqoonta ku saabsan kolba doorka aad qaadato iyo mansabka aad hayso. Haddii se aynu hoggaaminta kusoo koobno, jagada siyaasadda ama ganacsiga iyo waxa la midka ah, waxa markaa aynu tusaale ka dhiganay taa adduunka maanta, ee aan dheelliga tirneen. Hoggaaminta hagaagsan, waa midda naftaada ka bilaabanta, ka dib qoyskaaga, ka dib kolba masuuliyadaha kale ee aad markaa hayso. Waa mid shaamil ah, oo aan ku koobnayn, xil gaara iyo waqti gaara.

>>> Ibrahim waberi



Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Soo Dhawoow walal, maxaan kaa caawinaa?