Ibrahim wuxuu waxbarashadiisii jaamacadeed ku qaatay dalka Masar, wuxuuna leeyahay khibrad ka badan 15 sano oo ku saabsan tababarrada hoggaaminta, horumarinta nafta, cilmi-nafsiga, iyo kobcinta xirfadaha nolosha.
Safarkiisa tababarnimo wuxuu ka bilaabmay machadkii Dr. Ibraahim Al-Fiqi intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2012. Kadib geeridii Dr-ka (AHUN), wuxuu waxbarashadiisa iyo tababarradiisa ka sii watay Machadka Al-Ibdaac ee Axmed Qudduus, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada tababarenimo rasmi ah.
Wuxuu sidoo kale ka mid yahay aasaasayaasha Pacific Human Development Center (PHD Center).
Ibrahim Waberi wuxuu sii kobciyay aqoontiisa isagoo ka qayb qaatay koorsooyin iyo daraasado online ah oo laga bixiyo jaamacado ku yaal Maraykanka; isagoo si joogto ah u daraaseeyaa majaalkan.
Ugu dambayn, shaqadiisa iyo tababarradiisu waxay ku salaysan yihiin cilmi rasmi ah iyo habab la tijaabiyay oo aan khilaafsanayn diinta Islaamka (Qur’aanka iyo Sunnada suubbanaha ﷺ).
EVENTS I’ve been featured on…
Roobka waxa adiga kuu da’ay uun midka dhibicdiisu ku qoysay ama ay ku oontirtay. Aqoonta iyo xirfadaha noloshuna waa la mid, waa inta noloshu ku bartay, iyo inta aad cid kale ka baratay, ee ku anfacday.