Ibrahim-waberi waa qoraa, coach, iyo tababare ku hawlan hoggaaminta iyo horumarinta awoodaha qofeed, muddo ka badan 15 sannadood. Wuxuu aaminsan yahay in isbeddelka nolosha iyo horumarku ka bilaabmaan fahamka nafta, dhisidda qofka, kobcinta cilaaqaadka, iyo barashada xirfadaha saxda ah ee nolosha.
Wuxuu qoray lix buug, oo ay ka mid yihiin Dhabar-adayg, Irridaha Farxadda iyo Xal Qumman, kuwaas oo diiradda saaraya arrimo ay ka mid yihiin isbeddelka qofka, fahanka farxadda dhabta ah iyo xallinta khilaafaadka guurka.
Ibraahin wuxuu waxbarashadiisii jaamacadeed ku qaatay dalka Masar. Intii uu ku sugnaa Masar, wuxuu sidoo kale bilaabay safarkan tababbarka, isagoo ka bilaabay machadkii Dr. Ibraahim Al-Fiqi intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2012. Kadib geeridii Dr-ka (AHUN), wuxuu tababarradiisa ka sii watay Machadka Al-Ibdaac ee Axmed Qudduus, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada tababbaranimo rasmi ah. Wuxuu sidoo kale ka mid yahay aasaasayaasha Pacific Human Development Center (PHD Center), oo ah xarun tababbareed oo laga aasaasay dalka Maraykan 2015kii.
Ibrahim wuxuu sii kobciyay aqoontiisa isagoo ka qayb qaatay koorsooyin iyo daraasado online ah oo isagu jira xirafado nololeed iyo saykoolaji, oo ay bixiyaan jaamacado ku yaal Maraykanka; wuxuuna si joogto ah u daraaseeyaa majaalkan horumarinta qofka, qoyska iyo hoggaaminta.
Ugu dambayn, shaqadiisa iyo tababarradiisu waxay ku salaysan yihiin cilmi rasmi ah iyo habab la tijaabiyay oo aan khilaafsanayn diinta Islaamka (Qur’aanka iyo Sunnada suubbanaha ﷺ).
We are a dedicated team passionate about delivering quality solutions. Our journey started with a simple goal: to make a positive impact in our community. We focus on understanding our clients’ needs to provide tailored services. With experience and commitment, we ensure that we stand by you every step of the way.

– Founder and Author







Enhancing the capabilities of learners and educators through effective tools for improved teaching and learning outcomes.
Building strong famalies, healthy relationship and emotional connect


Developing effective, ethical and pirpose-driven leaders, who lead with clarity and impact.
Empowering individuals to develop a clear purpose, optimize time management, and create impactful lives.
