Ibrahim-waberi waa qoraa, coach, iyo tababare ku hawlan hoggaaminta iyo horumarinta awoodaha qofeed. Wuxuu aaminsan yahay in isbeddelka nolosha iyo horumarku ka bilaabmaan fahamka nafta, dhisidda qofka, kobcinta cilaaqaadka, iyo barashada xirfadaha saxda ah ee nolosha.
Wuxuu qoray lix buug, oo ay ka mid yihiin Dhabar-adayg, Irridaha Farxadda iyo Xal Qumman, kuwaas oo diiradda saaraya arrimo ay ka mid yihiin isbeddelka qofka, fahanka farxadda dhabta ah iyo xallinta khilaafaadka guurka.
Ibraahin wuxuu waxbarashadiisii jaamacadeed ku qaatay dalka Masar, wuxuuna leeyahay khibrad ka badan 15 sano oo ku saabsan tababarrada hoggaaminta, horumarinta nafta, cilmi-nafsiga, iyo kobcinta xirfadaha nolosha.
Safarkiisa tababarnimo wuxuu ka bilaabmay machadkii Dr. Ibraahim Al-Fiqi intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2012. Kadib geeridii Dr-ka (AHUN), wuxuu waxbarashadiisa iyo tababarradiisa ka sii watay Machadka Al-Ibdaac ee Axmed Qudduus, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada tababbaranimo rasmi ah. Wuxuu sidoo kale ka mid yahay aasaasayaasha Pacific Human Development Center (PHD Center).
Ibrahim Waberi wuxuu sii kobciyay aqoontiisa isagoo ka qayb qaatay koorsooyin iyo daraasado online ah oo laga bixiyo jaamacado ku yaal Maraykanka; isagoo si joogto ah u daraaseeyaa majaalkan.
Ugu dambayn, shaqadiisa iyo tababarradiisu waxay ku salaysan yihiin cilmi rasmi ah iyo habab la tijaabiyay oo aan khilaafsanayn diinta Islaamka (Qur’aanka iyo Sunnada suubbanaha ﷺ).
We are a dedicated team passionate about delivering quality solutions. Our journey started with a simple goal: to make a positive impact in our community. We focus on understanding our clients’ needs to provide tailored services. With experience and commitment, we ensure that we stand by you every step of the way.

– Founder and Author







Enhancing the capabilities of learners and educators through effective tools for improved teaching and learning outcomes.
Building strong famalies, healthy relationship and emotional connect


Developing effective, ethical and pirpose-driven leaders, who lead with clarity and impact.
Empowering individuals to develop a clear purpose, optimize time management, and create impactful lives.
