Fahanka Hal-abuurka

laptop, computer, wallpaper 4k-3317007.jpg

Dad badan ayaa wax cusub ku fekera hadyo jeer, ama haya aragtiyo iyo fekero cusub, laakiin kuwaas lama odhan karo waa hal abuurro, waxa se la odhan karaa waa hal-seegayaal; waayo waxaa ka maqan fullintii ama ficilkii, qabashadii ama sameyntii. Qofku marka uu aragtida cusub helo, isla markaana sameeyo wax la taaban karo, la arki karo, ama la dareemi karo, markaas ayaa la odhan karaa waa hal-abuur. Inta badan dadka wax hindisaa, waxa ay arkaan wax aanay dadku arkeyn, kuwaas oo marar badan ku fekera wax aan suura gal ahayn, balse waxa kasoo dhex baxa wax suura gal ah. Dadka hal abuurka lehi waxay u fekeraan sida ilmaha yar ee raad baradka ah, ilmahaas oo wax kasta oo uu arko wax iska weydiiya, isla markaana isku daya inuu barto waxaas magaciisa, wuxuu yahay, wuxuu qabto, sababtii ama ujeeddadii loo sameeyay; su’aalahaas ayaa haddana waxaa uga soo dhex baxa kuwa kale oo dhahaya; sidaa ma laga dhigi karaa, haddii waxaa lagu dara iyo haddii waxaa laga beddelo ama laga bixiyo/saaro, maxaa dhacaya, siduu u eekeenayaa iyo waxyaaba la mid ah.

Caruurta iyo hal-abuurnnimada: Da’da loogu hal-abuurka badanyahay waa xilliga shan jirka iyo lix jirka; ilmaha yar ee shan jirka ah ama ka yar, wuxu isku dayaa inuu wax kasta ka war keeno, wuxuu jabiyaa waxaad u dhiibto isagoo raba inuu ogaado bal waxa dhacaya marka shaygaa dhulka lagu dhufto, wuxu galayaa jidka ay baabuurtu marayaan haddii aan laga qaban isagoo doonaya inuu ogaado gaadhiga soo xiimayaa inuu ka dul boodo ama inuu ka istaago, iyo siduu noqonnaayo haddii uu ku dhufto fuqa ama turuska. Waxba kaalama tashanayo, balse isagaa raba inuu wax kasta ka war keeno; dhimbiisha dabka ah gacantuu ku qabsanayaa, markaasuu ogaanayaa in ay kulushahay iyo in kale, marka xigta se wuu ka fogaan, meeshii xannuun iyo dhib uu kala kulmo mooyaane inta kale wuu ka war keeni; sidaa daraaddeed, ayaa waalidku ay aad isugu hawlaan ilmuhu markuu aadka u yaryahay, illaa shanta sanno ee ugu horreysa aadna u ilaalliyaan, waxayna baraan waxa dhibaatada u keenaya iyo waxa kale, way nacsiiyaan iyagoo ku odhanaya “uf, ax, , xuux, ceeb iyo wax yaabo la mid ah” wixii u wanaagsanna wey jeclaysiiyaan iyagoo ku leh “daadax, mac iyo wax la mid ah”. ilmaha yari markuu afka bartaba judhaba, wuxu kugu badin su’aalaha ama weydiimaha, isagoo raba wax kasta inuu ogaado, isla markaana hal jawaab kuma kaaftoomi doono ee hal shay ayuu kolba intuu dhinac iska taago su’aalo kaa weydiin, adigu waad ka cadhoon oo waxaad u maleyn inuu isla su’aashii uun kugu cel-celinayo, ka dib ayaad ku odhan “hadal iyo su’aal badannidaa, waa sidaa iyo sidaa ayaan ku idhi” laakiin isagu wuxu rabaa wax kaloo adiga aan kuu muuqan inuu wax ka ogaado; ha dagaalin hana canaannan, balse isku day inaad wax walba uga jawaabto adigoo waliba ula dhaqmaya sidii qof weyn, haddii kale waxaad ku dhex dilaysaa hal abuurnnimada kasoo socota iyo weydiimaha geesinnamada leh ee uu barri markuu weynaadana ku noqon lahaa mid aan wax weydiinta ka baqin kana xishoon. Imisaad aragtay qof weyn oo iskuulka markuu dhiganayo ka xishoonaya ama ka cabsanaya inuu macallinku su’aalo casharka ku saabsan wax ka weyddiiyo, iyagoo ka baqaya inuu barahu yidhaa hadal badanidaa ama miyaanaad waxba fahmeen maskax adagidaa, mararka qaarna ka xishoonaya in ardayda ay isku fasalka yihiin la yaabaan kuna qoslaan su’aashooda; sababahu way badan karaan, waxa se ka mid noqon kara, xilligii hal abuurnnimadiisu ugubka ahayd ayaanay waalidkiisu dhiirri-galin oo aanay wax walba sidii la rabay ugu jawaabin, taas ayaa kusoo baxday marki ay weynaadeen.

Hal abuurnnimadu waxa ay hoos u dhacdaa marku ilmuhu gaadho toddaba sanno, sababtoo ah waa dugsiga ama wax barashada lagu daray ayaa keenty in hal mar darajo aad u badan ay hoos dhacdo hal abuurnnimadii. Iskuullada ayaa waxaa lagu dhigtaa waxyaabo kooban, oo aan isbad-beddaleyn inta badan, waxaana wax kuu dhigaya barayaal mid walba u tabobbaranyahay wax gaar ah, fursad badanna ma helaysid inta badan, iyaga uun baad dhageysan, wax kastana waxa laguugu sheegi sidii oo ay tahay wax caadi ah ama fudud, oo aan lala yaabin, ama aan u baahnneen in wax la iska weydiiyo. Baruhu inta badan ardayga wuxuunbuu ku yidhaa casharka sidaan kuugu dhigay u soo akhri ama u soo qayb (xifdi) , wax kale ha ku darin waxna ha ka dhimin, taas ayaa keenaysa in ay is-dhinto hal abuurnnimadii aad ku dhalatay.

Khayaali ama hummaag caqliyeedka: Khayaalka iyo mala’awaalku noloshuu ka mid yahay, si gaar ahna caruurta yaryar wuu ku badanyahay khayaalku; waxa dhacda in marka ay sawirtaan ama ku fekeraan wax aan jirin, inta badan lala yaabo ama lagu qoslo, iyadoo lagu leeyahay wax dhici kara maaha, suura gal maaha, ma awoodi kartid iyo wax la mid ah; joojinta iyo ka hor tagidda khayaaligu waa dillida iyo dabar goynta hal abuurnnimada. Bar bilawga hal abuurnnimadu waaKhiyaaalka, marka shay aan jirin ama wax aan suura gal ahayn maskaxdaada iskaga soo dhacaan si guud oo degdeg ah, isagoo aan nidaamsaneyn, isla markaana aad u beddesho markaba wixii kugu soo dhacayay qoraal , ka dib aad ka fekerto adoo kala dhig-dhigaaya, budlinaaya ama daqiijinaya, ka dib aad mashruuc u beddesho, ka dib aad fulliso, markaas ayuu hal-abuur ama hindise iman karaa. Hummaag caqliyeedkaasi markuu caqliga kusoo dhaco haddaanaad markaba qoraal ku sameyn way adkaanaysaa inaad ka daba tagto, sababtoo ah si degdeg ayuu caqliga kusoo maraa, sidaa darteed waxaad ku dabi kartaa ama aad ku keydsan kartaa si aanu kaaga fakan waa adoo markaba qoraal u beddela. Khayaaliga lama diiddanaa laakiin khayaaligaagu yuu noqon mid ku kooban oo kaliya masxdaada ama gudahaaga ee u soo saar dibadda soona bandhig, kuna tijaabi waaqica.

Hal-ku dare mise hal-abuure: Anigu waxaan odhan lahaa hal-ku dare, sababtoo ah wax cusubi ma jiro laakiin waxa jira horumarin iyo dib u habeyn, ku darid iyo ka dhimid. Hal abuure wuxu horumariyaa wax hore u jiray laakiin tayadiisu aad u hooseysay, wuxuuna ka dhigaa wax tayadiisu aad u sarreyso, haddaan si kale u nidhaa; shay hore u jiray ayuu cusboonaysiin ku sameeyaa, kana dhigaa wax casriya. Tusaaale; gaaddiidka waxa la yidhaa wax kasta oo dadku fuulo, iyo wax kasta oo la rarto isla markaana dhaqaaqa ama socda. Barigii hore dadku waxay raran jireen oo ay fuulli jireen, awrta, dameeraha, fardaha; bari dambe, ayaa waxa timid aragti cusub oo odhanaysa, gaadiidka aynu adeegsanaa innaguma filnaa, wax badanna inooma qaadi karo, waxa aynu u baahannay neefkan aynu marna fuushannay marna raranaynno in aynu intan ka balaadhinno; Aragtidaas ayaa hawl loo beddelay oo waxa la soo saaray biro taayirro xadiid ah leh, oo intoo sagxad ama shay balaadhan lagu rakibo isla noolihii dabada loogu xidhayo si uu u jiido; waa la sii horumariyay aragtidii oo shay kaloo gaas ku shaqeenaaya ayaa lagu rakibay si meesha noolahaba looga saaro loogana maarmo; hal-abuurrayaal kale ayaa aragtidaas sii kordhiyay siina tayeeyay oo mid ama qolaba waxbay ka beddelayeen waxna way ku darayeen, mar walbana waxaa la hindisaayay gaaddiidkii hore mid ka dheereeya, ka qaad weyn, islamarkaana ka taya iyo quruxba badan; noole, gaadhi-gacan, gaadh-dameer, baabuur, tareen, markab, ilaa markii dambe laga gaadhay in la helo isla gaadiidkii la fuulayay lana raranayay oo hawada duulaya. Tusaale kale: hab qoraalka, mar caleenta geedka wax lagu qorayay ayaa jirtay, teeb (type) ayaa soo baxay, tubsheel ama koombuyuutar ayaa ku xigay; warqadda qoraalka loo adeegsanayo ayaa heerar badan soo martay , sidoo kale qallinka wax lagu qoro ayaa isna heerar badan soo maray. Wax kasta oo adduunyada korkeeda maanta lagu hindisay waxa ay ka yimaaddeen wax hore u jiray, laakiin tayadiisu hooseysay, kaas oo laga dhigay wax cusub oo kaleeto, isla markaana loo baxshay magac kale, loona isticmaalay hab kale, laakiin ujeeddadu waa isla tii hore u jirtay uun oo wax lagu daray. Sidaa daraaddeed, wax cusubi ma jiro. Iyadoon tii horena laga tageyn oo wali aad arkayso meelaha qaar iyo dadka qaar wali adeegsanaya, ayaa haddana waxaad arki in laga ilbaxay lagana maarmay habkii hore loona diga-rogtay hab kaas ka wanaagsan. Waxaa kaloo jira wax la helay iyo wax la abuuray: waxa la helaa waa shay hore u jiray oo aanay bini’aadmigu keenin, iyo wax ay aadamahu soo kordhiyeen oo Illaahay ku ilhaamiyay ama sabab uga dhigay inay iyagu hal-abuuraan. Innagoo ka duuleyna labadaa qaybood ee hal-abuurka iyo hindisaha, Waxa la yidhaa “Adduunka wixii ugu weynaa ee la helo wuxuu ahaa dabka iyo sida loo dhaliyo (korontada), wax bini’aadmi hindisana waxaa ugu weynaa uguna muhiimsanaa taayirka gaadiidka”.

Hibada ama waxa loo dhasho: waxa la hal-abuuraa maaha oo kaliya hawraar in aad tiriso, balse wuxuu noqon karaa hadal iyo hawl intaba. waxa hubaala in ay jiraan dad leh iyagu hibo illaahay siiyay, oo u gaar ah, taasoo u suura galinaysa inuu si fudud u keeni karo ama u hal abuuri karo aragti, qoraal, suugaan, hawl iyo wax la mid ah; tusaale haddii aanaan ahayn abwaan hibo u leh suugaanta wey igu adkaanaysaa in aan si fudud u helo erayada, qaafiyadda iyo in aan keeno maanso miisaankeedii iyo haykalkeedii u dhammeystirantahay, waxayna igu qaadanaysaa muddo in aan habeeyo ama aan isku toos toosiyo, balse haddii aan u leeyahay hibo waxaa ii dhib yaraanaysa in aan muddo yar ku keeno tix ay u dhameystiranyihiin tiirarkeedii oo dhami. Haddana si kasta oo ay tahay lama odhan karo qofku waxba ma keeni karo ama ma hindisi karo haddii aanu u dhalan, ee waxaa lagu kala duwanyahay sida loo adeegsanayo caqliga oo illaahay bini’aadmiga ku galladay. Wax walbana waa la baran karaa, awoodda aadamuhuna inta aynu u haysano wey ka ballaadhantahay, waxa ayna ka bilaaabantaa feker, kuna dhamaataa ficil. Ugu dambeyntii si aad hal-abuur wanaagsan u noqoto “wax badan akhri, fekerkaaga kor u qaad, isku day in badan, ha quusan markaba, qor oo qorshee, go’aanso ka dib Alle u tala saaro, fulli oo ficilkii la imo kuna dhabar adeyg”.

Ibraahin-waaberi

……………………..

Qoraa , iyo tabobbare.

Kana mid ah aasaasayaasha iyo

maamulka machadka PHD Center

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Layer 1
Soo Dhawoow walal, maxaan kaa caawinaa?