CAQABADAHA GUUSHA

climber, climbing, climb-8859720.jpg
 
“Waxa ishaa iyo aragaa  inoo yeelay waa Hadaf la’aan iyo Han yaraan”

Waxaad arki iyadoo marar badan la isku boorinaayo dalka ha la joogo iyo dalkii ha lagu laabto. Aragti ahaan anigu lama yaabo qof in uu ku noolyahay dalka ama dibaddiis mid kalana  uu rabo in uu hadda u guuro ama ka guuro. Waxaanse la yaabaa In badan oo inaga mid ah inay ku suganyihiin goor kasta iyo goob kasta Hadaf la’aan iyo Han yaraan.

Wax kasta oo hiraal iyo qorshe leh way ka qurux bataan  wixii aan lahayn. Dad guushoodana waxa kala sareysiiya ama dhadhan u kala yeelaa waa himilooyinka iyo yoolka qeexan.  Markab-ka bilaa naakhuudaha ah, wuxuu halis ugu jiraa inuu dhagax ama buur afka uu la galo. Sidaas oo kale qof bilaa hadaf ahina isna wuxuu afka saaraa  guul darro ama nolol aan haba yaraatee wax qiima ah ku fadhiyin.

Markaa maxay macna sameynaysaa haddii markuu dalka joogana yahay mid iska nool. Markuu ka maqanyahayna uu kaba sii liito. Waxa hubaal ah qof hadduu hadaf iyo han leeyahay meel kasta iyo goor kasta oo uu ku suganyahay in dad iyo dalba loo aayi.

Caqliga qiimaha badan ee Alle ina siiyay inagagana soocay abuurkiisa kale, wuxuu wax inoo taraa  marka aynu ka shaqeysiino, hawl  u dirno, nidaamino, isla markaana ku carbinno kuna tobabarno in uu guullo kasoo hooyo waxyaaba qorsheysan oo aynu galinay. Ruuxuna wuxuu hadaf yeeshaa markuu hankiisu sareeyo, inta ka horeysa waa hamash iyo hawo raac. Jihadiisuna waa  Kolba dhanka ay dabayshu u dhacayso. Hanku waa waxa kugu qasbaaya in aad himilooyin cadcad oo leh mid dhaw iyo mid fog intaba aad yagleesho.  Mar hadduu qofku hadaf yeeshana waxa hubaal ah in uu waqtigiisa ka faa’iideeyo, sida ugu wanaagsanna u isticmaalo. Haddaad aragto qof waqti dayacaaya, waxaad markaba ogaanaysaa in uu yahay qof aanay waxba u qorsheysnayn.

Haddaba is weydiintu waxay tahay maxaa ka hor taagan qof  in uu aqoonsado naftiisa, isla mar ahaantaana guuleysto ama in uu noqdo mid hadaf iyo han leh…?

Caqabaddahaa waxa ka mid ah qofka oo aan is weydiin ama jawaab u heyn dhawrkan su’aalood:

  •  Maxaad doonaysaa: haddii aanaad ogeyn waxa aad rabto, waa bilawga guul darrada iyo jabka nolashaada. Qofku in aanuu garanayn waxa uu rabaa waxa ay ka marag kacaysaa in aanuu sidoo kale garanayn waxa loo abuuray  ama sababta jiritaankiisa. Ayaan darro iyo Dhib ka weyn ma jiro qof in uusan aqoonsanyn waxa uu rabo  haba yaraatee.
  •  Sababteed u doonaysaa: waxa suurta gal ah qof in uu kasoo gudbo marxaladda hore ee ah maxaad doonaysaa. Isla mar ahaantaana ay isku gudubta mar kale su’aasha ah sababtaad u doonaysaa waxaas aad ogaatay in aad rabto?.  Haddii aanaad garanayn ujeeddada ka dambeysa rabitaanka aad shay rabto. Marka hore dhadhan kuu yeelan maayo wixii aad doonaysay ; sidoo kale haddaad hesho ama aad gaadho iyo haddii kalan isku mid ayay kuu noqonaysaa. maaha oo kaliya in aad ogaato sababta, ee sidoo kale waa in ay tahay sababtu mid togan oo macna ku fadhida. Heerka iyo nooca ujeeddadu waa waxa kugu riixaya in aad ka midha dhaliso ama aad ka hadho.
  • Goorma ayaad doonaysaa: waxa dhici karta in aad aqoonsatay wixii aad rabtay; sidoo kalana aad ogaatay sababta aad u doonayso. Laakiin haddii aanaad garanayn goorta aad rabto waxaas iyana waa albaab kale oo u baahan in aad hesho furihiisa, haddii kalana dib kuu celinaaya. Ugu horeyn ba waa in aad qoondeysaa waqtiga aad ku talo jirto in aad qabato ama aad hesho waxaas. Wixii hadhaw dhici Rabbi u daa, adigu se waa in aad la timaadaa qorshe iyo jaangoyn waqti.
  • Sidee ayaad u gaadhaysaa: wixii aad rabtay iyo sababta aad u rabto haddaad ogaatay; isla mar ahaantaanna aad waqti u xaddiday. Waa in aad taqaan waxan sidii aad ku gaadhi lahayd ama aad kaga midha dhalin lahayd. Dariiqa ay tahay in aad u marto; iyo waxyaabaha aad is leedahay way kaa caawin karaan in aad hesho ama aad gaadho wixii aad doonaysay.
  •  Kalsooni ma ku qabtaa naftaada: Badanaa oo badanaa qof kasoo gudbay weydiimahaas oo dhan; ka dibna markii uu helay jidkuu u mari lahaa, ee uu ogaaday dadaalka iyo hawl galka looga baahanyahay; markiiba intuu dib u fadhiistay yidhi  “maaha aniga qofka awooda arrinkan oo kale iyo karaankeedii ma lihi ama wax la mid ah” .  Alle(swt)ayaa wuxuu ina leeyahay miyaydaan nafihiina arkahayn. Waa su aal kuugu filan in aad garawshiyo u hesho tayada aad leedahay. Waxaa hubaal ah wax uu qof sameeyay, in uu qof kasta oo kale uu sameyn karo. Haddii uu maro jidkii ku habboonaa waxaas.

Si fahanku inoogusoo dhawaado,  aynu soo qaadano Tusaalahan…

Qof ayaa safar galaaya; ugu horeyn qofkani  wuu yaqaan meesha uu tagaayo iyo sababtuu u tagaayo. Sidoo kale wuxuu garanayaa sida uu ku tagi  karo iyo waxa geyn kara diyaarad, baabuur, markab, tareen ama lug kolba wixii karaankiisa ah ama uu heli karo. Waanuu ka war hayaa waqtiga ay ku qaadanayso iyo inta loo soconaayo meeshaas uu tagaayo. Wuxuu diyaarsadaa dhar iyo sahay wixii ku filan; sidaa daraadeed isagoo isku kalsoon oo aan wax cabsiya qabin oo ku faraxsan safarkiisa ayuu dhaqaajiyaa… Cajiib  bal ka waran haddaba Nolashaada, siday suurta gal u tahay; safar yar oo gaaban inaad waxaasoo dhan diyaarsato isna weydiiso; Nolashaadoo idilna ay iska tahay jaantaa rogan.  Nolasha nasiib ayaynu u deynay. Safaradana qorshe, diyaar garaw iyo dadaal; Waa wax lala yaabo!!!

Haa hadaf la’aan iyo Han yaraan weeyaan waxa inoo diida in aynu garwaaqsano hibooyinka inagu duugan ee Alle (SWT) inoo gaar yeelay iyo inaynu adeegsano nimcooyinka tira beelay ee Alle uu yidhi haddaad is tidhaahdaan tiriya ma tiring kartaan.

Dhammaanteen maahee, badankeenu , dal ama dibad meesha aynu joognaba wax yar oo aan naf lahayn ayaynu ku qanacnaa. Inta badan waxa aynu raadinaa waa shaqo iyo shillimaan; lagana yaabo iyaga laftoodana in aynaan guul kasoo hoyn.  shaqada iyo maalku waa tiir ka mid ah tiirarka nolasha. Haddaba is weydiintu waxa ay tahay, tiirarakii kale ee nolasha yaynu uga tagnay oo inoogu hawlan. Halkaa weeyaan halka Isma dhaanto iyo dhasheed inaga wada dhigtay.  Sidaa daraadeed naftayda iyo nafaha kalaba waxaan kula dardaarmaayaa. Horta in aynu Hadaf cad nolasha ka yeelano isla markaanna hankeenna kor u qaadno. Awoodaha iyo nimcooyinka tirada beelay ee Alle inagu  galladayna aaminno. Waxa hubaal ah haddii intaa la inaga helo waliba sida ugu wanaagsan ee ruux muslim ah laga rabo; In aynu meel wal oo aynu joognaba noqon doono kuwa naftooda iyo dadkoodaba wax tara; Iskuna dheeli tira nolashooda; Guullo is daba joogana gaadha; Farxad iyo reyn reynna ku noolaada.

“Ballanteenu waa Hammi sare, Himilo sugan iyo sidii aynu u hanan lahayn”

                                 ISBEDDEL DOON

Waa run dhamaan is badal ayaynu u baahanay. laakiin inta badan way inagu adagtahay in aynu is badalno. Wax badan oo aynu rabno in aynu helno ama gaadhno waxa ay inagaga xidhanyihiin is badal aynu sameyno oo kaliyaata. Is badalku laba mid ayuu noqon karaa tusaale; qof wanaagsanaa oo xumaaday waa isbadal taban ama mid xumaa oo wanaagsanaaday waa is badal togan. Waxa aynu diirada yara saari doonaa midka togan.

is badalku waxa uu  ka bilawdaa fikirka waxa aanuu ku dhamaada ficilka. Mar kasta oo aad wax ka badasho hannaankaaga fikir, waxa is badala sidoo kale hab dhaqankaaga. Mar kasta oo hab dhaqankaaga ay wax iska badalaanna, waxa is badala natiijooyinkaaga. Sidaa daraadeed maskaxadaada oo aad badashaa waa bilawga is badalka nolashaada.

Is weydii su’aalahan si ay inoogu dhib yaraato helitaanka bar bilawga is badalka togan ee aynu rabno

  •  Maxaa faa’iido ah oo ku jira is baddal aan la yimaaddo?
  • Anigu maxaan u baahanay in aan baddalo? 
  •  Sideen u baddalayaa waxa aan rabo in aan baddalo? 
  •  Maxaa se iga hor taagan in aan badalo? 
  •  Sideen u wajihi karaa caqabadaha iga hor taagan is badalka?

Si aad u ogaato waxa aad u baahanatahay in aad badasho. Ugu horeyn naftaada ayaa kaaga baahan barasho, dhugasho iyo u kuur galid. Ka dib barashada naftaada waxa kuusoo baxaysa waxa aad u baahanatay in aad badasho iyo wixii aad ku badalli lahayd labadaba. Haddaad u baahantahay in aad horumar sameyso waxa aad u baahantahay is baddal togan, kaas oo ah in aad wax ka badasho waxa kuu diidaaya inaad gaadho horumarkaas aad hiigsanayso, isla mar ahaantaanna aad la timaado wax kasta oo kuu dhib yareenaaya in aad gaadho. Waxa kaliya oo kaa hor istaagi kara in aad is baddal la timaadaa waa adiga naftaada iyo sida aad u dhaqanto ama hab nololeedkaaga. Waxaanaad kaga gudbi kartaa waa in aad badasho habka aad u fikirayso. Ka dib aad ka takhalusto dhammaan caadooyinka iyo balwadaha taban ee dib ku haya. Kaana dhigay mid caajis ah, bilaa nidaam ah, tabar yar, xidh xidhan iwm.

Tusaale ahaan waxyaabah taban ee laga yaabo qof in uu baddalo si uu uga gudbo qaar ka mid ah caqabadaha ka hor taagan is baddalka uu rabo waxa ka mid noqon kara. Hurddo badnaan, hadaf la’aan, waqti lumis badan, wax barasho la’aan, balwado xun-xun, macaasi iyo Alle ka cabi la’aan. Waxa dhici karta intanba in aad ku wanaagsantahay balse ay jiraan kuwo kale oo adiga kuu gaar ah una baahan in aad wax ka badasho.

Haddii aad naftaada badasho waxa hubaal ah in aad qoyskaaga baddali karto, ka dibna qarankaaga, haddii aad dalkaaga baddasho waxa aad badali kartaa caalamka oo idil.  Haa is badalku waa mid ka bilawda nafta. Ila dhugo sheekadan yare ee kooban:

Nin oday ah ayaa sidan ku calaacaly: “Markaan toban sanadood jiray waxaan jeclaa oo aan ku hammiyi jiray in aan adduunka wax ka badalo, wey ii suurto gali wayda. Muddo ka dib haddana waxaan ku hammiyi jiray in aan dalkayga wax ka badalo taasina way ii suurta gali weyday. Haddana waxaan ku hammiyay in aan ehelkayga iyo qoyskayga  wax ka badalo, weyna ii suura gali weyday. Ugu dambeyntii waxa aan ku hammiyay in aan naftayda uun wax ka badalo , laakiin nasiib darro maanta sariirta ayaan dul aallaa da’ iyo gabaw ayaa timid waxaan sugaana waa geeri uun. hoogaygee Fiicnaan lahaydaa haddaan ugu horeyn ku hammiyi lahaa inaan nafyada wax ka badlo, waxa aan markaa awoodi kari lahaa inaan qoyskayga iyo ehehlkaygaba  wax ka badlo, ka dib waxaan badali kari lahaa dalkayga , markaas ayaan adduunkana wax ka badali kari lahaa”.

Ugu horeyn naftaada oo aad badashaa, waxa ay sabab u noqotaa qof kale oo aad badashay, qoys aad badashay iyo qaran aad badasho intaba. Aayad Qur’aana ayaa odhanaysa “Alle Qoom ma dooriyo illaa iyagu nafahooda ay wax ka badalaan maahaane” sidaa daraadeed naftaadu waa muhiim, is badal aad naftaada ku sameysaa waxa ay sabab u noqon kartaa umad horumarkoodo iyo doorsoonkooda wanaagsan.

Dhammaanteen waxa aynu u baahanahay is badal, sababtoo ah qof dhammaystiran ma jiro. Haba yaraatee waxa jirta shay ama wax u baahan in aad wax ka badasho. Mar kasta is badalku waa mid ku sugaaya. Haddii aad ku guulaysato naftaada. Waxa lama huraan ah in aad u gudubto deegaanka kugu xeeran oo aad iyagana wax ka badasho. Shaqadaada ayaa u baahan is badal, shirkadaada ayaa u baahan, qoyskaaga ayaa u baahan, saaxiibkaa ayaa u baahan. Waxa is badal togan kaaga baahan dalkaaga. Waxa kaaga baahan dhammaan umadda muslimka ah.

Si ay inoogu dhib yaraato waxa aynu u baahannahay wax ina dhiirri galiya ama ina dhaqaajiya. Si aad u hesho wax kugu dhaqaajiya is badalka aad rabto. Isku day in aad akhrido buugta kaa caawinaysa arrintaas, ama in aad  aad dhagaysato maxaadirooyin kugu dhiiri galiya in aad dhaqaaqdo. Ka dib adna dhiiri galin u bilow naftaada iyo inta kugu xeeran.

Alle ha ina waafajiyo is badalka midkiisa khayrku ku jiro. Ee adduun iyo aakhiraba ina anafacaaya. Inoona hor seeda horumar iyo in aynu hannano himmilooyinkeenna.

 

>> Ibrahim waberi




 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Soo Dhawoow walal, maxaan kaa caawinaa?