Han sare, himilo sugan iyo halgan

About Ibrahim waberi

Coach, Author and Trainer

Ibrahim-waberi waa qoraa iyo tabobbare; wuxu qoray shan buug, oo uu ka mid yahay buugga Dhabar-adayg. Wuxu ku qaatay waxbarashadiisii jaamacadeed dalka Masar. Sidoo kale,  wuxu u leeyahay majaalkan horumarinta awoodaha aadanaha, khibrad 15 sannadood ah.
 

Horraantii 2009 ayuu markii u horreysay uu xaadiray mid ka mida muxaadirooyinkii Dr Ibraahin Al-fiqi, oo uu markii dambana machadkiisa muddo ku xidhnaa, tabobbaro doorana ka qaatay, isagoo markii uu Dr-ku geeriyooday (A.H.U.N) u wareegay  Mac-hadka Al-ibdaac, ee Axmed Qudduus oo uu ka qaatay shahaadada noqoshada tabobbare rasmiya, iyo tabobbaro kale oo door ah. 

Wuxu isla aqoontan  iyo koorsooyin la xidhiidha cilmi nafsiga uu ka sii korodhsaday jaamacado ku yaal Maraykan, si aan toos ahayn  (online). Waana mid ka mid ah aasaasayaasha Pacific Human Development Center (PHD Center).

Services we offer

Coaching

Tabobbar-nololeed, oo qof iyo qof ah, kaasoo ku saabsan talooyin iyo tabo nololeed, oo kaa caawinaya horu-socodka  iyo isbeddelka togan ee naftaada. 

Courses

Xirfado nololeed, oo iskugu jira kuwo toos ah iyo kuwo aan toos ahayn. 

Maandhis Bookclub

Waa buug xul ah, oo  la soo koobay nuxurkooda, celcelis ahaan waqtigooduna yahay 30 daqiiqo, iyadoon muhiimaddii buugga waxba laga tagin. 

Blog

ka akhriso qaybta boloogga, maqaalo soomaali ku qoran, oo kookooban. 

Expand Your Skills

my Books

Horumar ma sameyn kartid shaqsi ahaan, shirkad ahaan, iyo dal ahaanba, haddii aanuu isbeddel togan iman; isbeddelkuna ma hawl yaraa, haddii aan fekerka wax iska beddelin, ficilna xigin; ficilkuna ma yeesho midha dhal waara, haddii aan lagu dhabar-adaygin.

Buuggan ayaa ah mid u qoran qaab wada sheekaysi iyo tala wadaag ah, kuna dhisan hab is tusaaleyn iyo tilmaamid ah, ama waxa loo yaqaan Koojin (Coaching) kaasoo dhex maraya nin dhallin yar ah, oo la yidhaa Nuur iyo Macallin Cumar. 

Aadanahu markasta waxa uu raadiyaa waqtigiisa ugu badanna ku qaataa wax kastoo u keeni kara farxad, wuxuuna ka dheeraadaa wax kasta oo ku sababi kara in uu waayo farxadda uu helay amma uu heystay Aadanahu markasta waxa uu raadiyaa waqtigiisa . ugu

FALCELIN !

” Waxaan ku faraxsanahay in aan ka mid ahay dadka si gaar ah uga faa’iidaysatay wax soo saarka kala duwan ee ustaadka. Waxaan akhristay Buugga Dhabar Adayg. Waxaan ka faa’iidaystay maandhis Bookclub, oo ah madal akhris oo uu ustaadku kusoo koobay buug xul ah. Waxaan ka qaatay Koojin; aadbaanaan uga faa’iiday dhammaan…  “

4.5/5

Jamal Said

” Anigoo culays iga haysto dhanka guurka ayaan ustaadka ka qaatay koojin laba bari ah, oo midkiiba saacad ku dhawaad yahay. Runtii meelo aanaan filayn ayuu wax iga tusay, waxaan ogaaday arrinku sidaan moodayo inuusan u adkayn. Tamartaydii ayaa dib u soo noqotay, oo hawlo badan oo aan joojiyay ayaan dib u billaabay. “

islamic, woman, hijab-5615687.jpg
4.5/5

Safiya Ibrahim

” Waan is helay, waxaan ogaaday halka aan joogo iyo heerkayga. Waxa aan ogaaday waxa ii qabsoomay ilaa haddeer iyo waxa aan awoodi karo. Waxa aan ogaaday inta aan ii qabsoomin sidii aan u aqbali lahaa, waxa aan hagaajiyay qanaacadayda. Waxa aan bartay sida aan naftayda u xakameyn lahaa. Innahani waa uun wax ka mid ah, aqoonta badan ee aan ka bartay… “

islamic, woman, hijab-5615687.jpg
5/5

Fardus Suleiman

Latest Blog Posts

Halkan ka hel maqaalladii ugu dambeeyay ee uu qoray Ibraahin Waaberi

laptop, computer, wallpaper 4k-3317007.jpg

November 13, 2021

Fahanka Hal-abuurka

alarm clock, cup, morning-2116007.jpg

February 15, 2021

Ka Faa’iideysiga Waqtiga

Our Contact Details

Address

Please contact us the information below if you have any questions. Thank you 

Customer Support Services Below

Soo Dhawoow walal, maxaan kaa caawinaa?