Ibrahim-waberi waa qoraa iyo Tabobbare; wuxu qoray shan buug, oo uu ka mid yahay buugga Dhabar-adayg. Wuxu ku qaatay waxbarashadiisii jaamacadeed dalka Masar. Sidoo kale wuxu leeyahay khibrad ku dhaw muddo 15 sanno, oo ah majaalkan Horumarinta Awoodaha Aadanaha
Horraantii 2009 ayuu markii u horreysay uu xaadiray mid ka mida muxaadirooyinkii Dr Ibraahin Alfiqi, oo uu markii dambana machadkiisa muddo ku xidhnaa, tabobbaro doorana ka qaatay, isagoo markii uu Dr-ku geeriyooday (AHUN), u wareegay Mac-hadka Al-ibdaac, ee Axmed Qudduus oo uu ka qaatay shahaadada noqoshada tabobbare rasmiya.
Wuxu isla aqoontan horumarinta aadanaha iyo koorsooyin la xidhiidha cilmi nafsiga , uu ka sii korodhsaday jaamacado ku yaal Maraykan, si aan toos ahayn (online). Waana mid ka mid ah aasaasayaasha Pacific Human Development Center (PHD Center).
Trainings I've been featured on...
Roobka waxa adiga kuu da'ay uun midka dhibicdiisu ku qoysay ama ay ku oontirtay. Aqoonta iyo xirfadaha noloshuna waa la mid, waa inta noloshu ku bartay, iyo inta aad cid kale ka baratay, ee ku anfacday.
Waxtar iyo wax-soo saar. Waxa lagu gaadhaa, maareynta nolosha iyo waqtiga oo si fiican looga faa’iideysto; sidol kale,waxa lagu gaadhaa dajinta yoolal lagu saleeyay higsi iyo han sare.
02.
Successful Marriage
Guryo xasilloon, oo ku dhisan taqwo, naxariis, jacayl iyo saaxiibtinnimo.
03.
Learning How to learn
Badi iskuullada waxa aynu ku dhigannaa, wixii la dhiganayay (what to learn) laakiin kuma dhiganno sidii wax loo dhiganayay (how to learn).
04.
Leadership
Hoggaaminta wanaagsan waxa ay ka billaabantaa, qofku inuu naftiisa hoggaamiyo. Meel aynaan nolosha hoggaamin uga baahnayn ma jirto.
05.
Communication Skills
Waa xirfado kale, oo aynu meel walba nolosha uga baahannay. Dadka weeleeyaa, waa kuwo xikmad u saaxiib ah.
06.
Teachers and Trainers
Waxa aynu u baahannay, dad badan oo leh xirfado sare oo danka wax barista ah, si aynu dad badan u gaadhno.
07.
Confidence
Kolba sida ay tahay xoogganida shaqsiyaddeenu ayay in badań ku xidhantay nolosha heerka aynu ka gaadhno, kalsoonideenna, iyo kolba sida aynu isku aragnaa.
08.
Positive Psychology
Xilligan aynu joogno waa ay fududahay, innagoo waliba muslim ah, in aynu dareenno qulub. Falsafadda farxadda in aynu dib wax iskaga weydiinaa waa daruuri.