- Odhaah aad tidhi
- Falaadh aad gantay iyo
- Waqti kaa tagay
Waxa aad arki marar badan dad ku andacooda waqti ma haysto, waqtigaa igu yar, mashquul ayaan ahay iyo wax la mid ah, ama qof leh markaan jaanis helo ayaan waxaa sameyn doonaa. Dhibku maaha inuu waqtigu ku yarhay; sababtoo ah, aadanahu waqi isku mida ayuu haystaa intuu noolyahay; dhibku se waa in aysan garanayn sida loo maareeyo nolosha, loogana faa’iideysto waqtiga, taas ayaa keenaysa inuu isku arko mashquul markasta. Marka aynu sidaa leennahay, waxa suura gal ah qaarkood in ay ku hawlan yahiin maaweelo kaliya, ama wax kaloo liita. Gacanteena ayaynu ku dilnaa oo aynu ku aasnaa waqtigeenna qaaliga ah goor walba, waxa aynu ku bixinaa muddo aad u badan oo bilaa nidaam ah daawashada TV-ga, isticmaalka Internet-ka, ku hadalka Talefoonka iyo waxyaabo la mid ah. Abwaan Cismaan Yuusuf Keenadiid (AHN) ayaa yidhi:
“Aduunyda caawiyo maalin weys ciribinaayaane
Cabbaarkii yaree kaa tagaa waa cad kaa go’ane
Cimrigaan gabaabsiga noqdeye sii ciriiri-yoobey
Camalfalasho wixii aan ahayn kagama ciil beeshid”
Qiimaha waqtigu waa sida birta xadiidkaa oo kale; Markasta oo aad birta aad galiso juhdi iyo dadaal si aad uga dhigto mid wax tar leh, waa mar kasta oo qiimaheedu kordho! Tusaale ahaan: Biraha qaar waxaa laga dhigaa middiyo, qaar saacado, qaar waxyaabaha ay dumarku xidhaan, qaar guryaha lagu dhistaa. Qiimaha birtu wuu kordhayaa mar kastoo qaabka birta iyo wax tarkeeda la kordhiyaba. Waqtiguna waa sidaas oo kale, qiimihiisu wuxuu ku jiraa habka aad juhdi u galisid nidaamkiisa iyo maamulkiisa isla markaana aad uga faa’iideysato. Horumarka dad sameeyaan iyo xaddaaradahoodu waxa ay ku xidhantahay kuna yimaddeen sida ay waqtiga u isticmaalaan, u maamushaan, ugana faa’iideystaan . Dib udhaca kuwa kalana wuxu ku yimid sida ay waqtigooda u dayacaan. Qof kasta oo innaga mid ahi wuxu haystaa 24 (afar iyo labaatan) saacadood maalintii. Keena faqiirka ah, ka taajirka ah, ka faraxsan, ka murugeysan, keena yar iyo keena weyn intuba. Waxa kaliya oo aynu ku kala duwannahay habka iyo sida aynu u isticmaalno ugana faa’iideysanno waqtigeenna qaaliga ah. Habeenka iyo maalintu aday kuu shaqeenayaan ee ku shaqeyso. Badhkaaga ayay qaadanayaan ee adna ka qaado kana faa’iideyso. weydiimaha ugu horreeya ee ruux kasta inta aanu lug qaadin la su’aali doono qiyaamaha waxa ka mid ah: maxaad kusoo qaadatay cumrigaagii iyo dhallinyara nimadaadii. Waqigun waa cumrigaagii. Cimrigaaguna wuxuu ka koobanyahay daqiiqadihii, saacadihii, bilihii iyo sanaddadii kusoo maray nolashaada. Nabigeenii (csw) ayaa xadiis shariif ah inoogu sheegay: Waxa jira laba nimco aysan dadka intiisa badan qiimahooda aqoonsaneen waana “caafimaadka iyo waqtiga”.
Maareynta waqtigu waxa ay ku xidhantahay himilada iyo hiraalka aad nolasha ka leedahay. Haddii aanaad hadaf dhaw iyo mid fog toona lahayn wax macna leh kuuma sameynayso in aad maamusho ama nidaamiso waqtigaaga. Marka nolashaadu nidaamsantahay, yool-na aad leedahay isla markaana sidii aad u xaqiijin lahayd aad ku guda jirtid, waqtigaagu wuu wanaagsanaanayaa waxa aanaad noqonaysaa qof ka faa’iideysta. Laakiin haddii aanaad nolosha wax hadaf ah ka lahayn waxaaguna ay iska yihiin caadi iyo caado, himmiladaaduna anay dhaafsanayn cunno, hurdo iyo shaqo; way adagtay in waqtiga si fiican aad uga faa’iideysato una maareyso. Si haddaba waqtiga aad uga faa’iideysato marka hore waa in aad leedahay yool fog iyo mid dhaw intaba. Guusha iyo farxadda aad raadinaysaana waxa ay ku jiraan sida aad waqtiga u adeegsato.
Tusaale: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin socoto ah ayaa arkay nin xaaboole ah oo shaqadiisii xaabo guridda ku jira oo geed saaran. Ninka xaaboolaha ah gudinta uu geedka xaabada kaga goosanaayaa af ma lahyn ama ma lisnayn. Ninkii socotada ahaa ayaa ku yidhi “waar gudinta aad ku shaqeynayso maad iska afeysid”. Wuxuu ugu jawaabay xaaboolihii “waqti aan gudinta ku afeeyo ma hayo, soodigan arkaaya in aan mashquul ahay”! Bal u fiirso sheekadan; maantoo dhan geedkaa ayuu jaftaa ku hayaa oo wax aad xaabo ka dhigatid ka gooso ayuu is leeyahay , dadaal iyo juhdi badanna wuu galiyay. Haddana wax yar oo aan naf lahayn ayuu kala carraabaa galabtii. Haddii uu gudinta iska afeyn lahaa xaabo badan ayuu ku goosan lahaa, muddo yar. Waqtigan uu leeyahay ma hayo oo mashquul ayaan ahayna wax badan ayaa usoo hadhi lahaa oo uu dano kale ku qabsado. Sidaas oo kale waqtigaaga oo aad habeysay waa gudintaa xaabada aad ku goosanaysay oo aad afeysay. Waqtigaaga oo aad maamushaa waa adigoo muddo yar wax badan ku qabsaday. Waqtigaaga oo bilaa nidaam ahina waa adiga oo waqti aad u badan wax yar oo aan naf lahayn ku qabsaday amaba aan waxbaba qabsan. Wax soo saarkeenna wanaagsan ee qof ahaaneed iyo bulsho ahaaneedba wuxuu ku jiraa waqtigeenna oo aynu ka faa’iideysanno oo aynu maareynno.
Ibinu qayim (A.H.N) ayaa waxa uu yidhi: “Waqtiga oo lumaa dhimashada ayuu ka xunyahay, sababtoo ah waqtiga kaa lumaa wuxuu kaa fogeeyaa Illaahay iyo aakhiro, dhimashadu se wuxuun bay kaa fogeyn adduunka iyo ehelka”. Isku day in aad waqti yar, wax badan ku qabatid, isla markaana aad ahaatid mid aqoon badan u leh sida nolosha loo maareeyo, loogana faa’ideysto waqtiga. Ugu dambeyntii, waqtigiiba hadlaaya oo leh “ilma bini aadamaw anigu waxaan ahay maalintii cusbeyd ee shaqadaada markhaatiga ka ahayd ee iga faa’iideyso maxaa yeelay dib uma soo laaban doono ilaa maalinta qiyaamah.
Ibraahin-waaberi
……………………..
Qoraa , iyo tabobbare.
Kana mid ah aasaasayaasha iyo

